“Xakha Muwaadinka lagu leeyahay” Waxaa aalaba la is weydiyaa Dowladda dhexe lagama helin xakhi ay Muwaadininta lahayeen, Balsa an u dhigno si kale Muwaadinka ma laga helay waajibkii looga Bahna ee Muwaadin nimo? Waxaa Muwaadinka lagu leeyahay wajibaad badan oo looga bahan yahay Sida Bixinta Canshuuraha qaranka. Ilaalinta sharciga iyo u hogaansanaanta khawaniinta dalka. Ilaalinta Degaanka iyo gacan siinta la dagaalanka nabaad guurinta. Gacan siinta laamaha ammanka iyo heyadaha cadaalada dalka. Dowladd ma jiri karto mana gudan karayso Fullinta adeegyada aasadiga ah ee bulshada Canshuurta qaranka Oo an laga helin Bulshada si loogu celiyo Bulshada, Shuruucda qaranka Waa midka u Hogansankiisa iyo ilaalintiisa looga bahan yahay Muwaadin; Shuruuc iyo kala dambeyn dal an lehey uma guntan karayo Jaho Horuumar, Ilaalinta degaanka Kuwa looga bahan yahay Waa bulshada Kuwa nabaad guurka ku hayane Waa kuwo ka mid ah isla bulshada, Laamaha ammanka qa...