“Xakha Muwaadinka lagu leeyahay”
Waxaa aalaba la is weydiyaa Dowladda dhexe lagama helin xakhi ay Muwaadininta lahayeen,
Balsa an u dhigno si kale
Muwaadinka ma laga helay waajibkii looga Bahna ee Muwaadin nimo?
Waxaa Muwaadinka lagu leeyahay wajibaad badan oo looga bahan yahay
Sida - Bixinta Canshuuraha qaranka.
- Ilaalinta sharciga iyo u hogaansanaanta khawaniinta dalka.
- Ilaalinta Degaanka iyo gacan siinta la dagaalanka nabaad guurinta.
- Gacan siinta laamaha ammanka iyo heyadaha cadaalada dalka.
Dowladd ma jiri karto mana gudan karayso Fullinta adeegyada aasadiga ah ee bulshada Canshuurta qaranka Oo an laga helin Bulshada si loogu celiyo Bulshada,
Shuruucda qaranka Waa midka u Hogansankiisa iyo ilaalintiisa looga bahan yahay Muwaadin; Shuruuc iyo kala dambeyn dal an lehey uma guntan karayo Jaho Horuumar,
Ilaalinta degaanka Kuwa looga bahan yahay Waa bulshada Kuwa nabaad guurka ku hayane Waa kuwo ka mid ah isla bulshada,
Laamaha ammanka qaranka Waa hubaal in ay dadaal adag ku jiran balsa meel ma gaari karayo haddi usan heysan bulsho la shaqeeyneyso,
“An Hubino in an gudane waajibkii dalka naga saaran kadibna an u istaagno la xisabtanka heyadaha Dowladda”
Fiiro Gaar ah
Waajibka Muwaadinka kuma koobno Qodobadan yar balsa Qormooyin kale ayan idinla wadaagi doona ilahey haddi u iddmo.
Wixi Talooyin iyo Tusaale ah si furan ayaad noola wadaagi karta Ayadoo la ilaalinayo Anshaxa.
Mahadsanid
W/Q: Mohammed Alikar
Comments
Post a Comment